Madaxweyne QoorQoor waxa uu booqasho ugu tagay galabta qoyskii uu ka baxay shahiid Axmed Fiiqane.


Tallaabada uu galabta sameeyay Madaxweyne QoorQoor waxa ay niyad wanaag ku abbuuraysa ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee naftood hurayaaaha ah taas oo keeni karta in dhammaan ciidanka ay u dhiirradan sida AUN Fiiqane iyaga oo ku tashanaya in ay ka danbeeyaan madax garab istaaggaysaa qosyka iyo ubbadka ay ka tagi doonaan.

Madaxweyne QoorQoor oo shalay dib ugu soo laabtay dalka ayaa kulamo kala duwan la qaatay saafaraddaha, isaga oo kala hadlay dardar gelinta iyo garabsiinta ciidanka Qaranka ee ku howlan ciribtirka Khawaarijta.

Xogo kale oo aan helay waxa ay sheegayaan in Madaxweyne QoorQoor oo dib ugu laaban doono furimaha hore ee dagaalka lagu baacsanaayo Khawaarijta, sidoo kale ay ka go'an tahay in guud ahaan degaannada Galmudug laga xorreyo Khawaarijta.



Post a Comment

Previous Post Next Post

Contact Form